GEBAGEBAYNTII HAWSHII DHAQAALE U SAMAYNTA DHISKA JAAMACADDA BURCO EE NORWAY:

Ismail Ali Ahmed oo ka war bixinaya shaqadii gudidu qabatayWaxa magaalada Oslo maalintii sabtida 04/03 iyo axaddii 05/03-2005 lagu soo gebagebeeyey hawshii dhaqaale ururinta ahayd ee dhiska jaamicadda Burco. Dhaqaalaha jaaliyadaha reer Norway ugu dheeqeen jaamicadda waxa uu noqday USD. 16,284.00. Lacagtaasi waxa ay ka soo ururtay jaaliyadaha ku kala filiqsan gobolada Norway badankood. Waxa si gaar ah hawsha xil dheeraad ah isaga saaray haweenka ku nool waddankan. Dheeqda haweenku bixiyey waxa ay ka badan tahay badh lacagtii Norway laga rabay.

Kulan lagu soo af jarayo hawsha mazurca, ayaa maalintii sabtida lagu qabtay Hall-ka makhaayadda Somali Welfare Organisation ee Oslo. Halkaas oo dadkii mashruuca ka qayb qaatay badan koodu isugu yimaadeen. Waxa halkaa hadalo kooban ka jeediyey Ismail Ali Ahmed iyo Hussain Hassan Gulaid oo ka wakiil ah guddidii daqaala ururinta. Waxa ay dadweynaha madasha joogay uga mahad celiyeen, dadaalkii loo dhammaa ee hawsha lagu qabtay iyo sidii hagarli’ida ahayd ee ay ugu tabaruceen dhaqaale. Waxa kale oo guddidu ka warrantay lacagta soo ururtay intay noqotay, goorta la diray iyo cidda loo diray. Waxa halkaa lagu qaybiyey Liiskii dadka lacagta bixiyey. Waxa dadka la faray, ciddii lacag bixisay ee magaceeda ka weyda liska ama website-ka jaamicadda, in ay la soo xidhiidho guddomiyaha guddida Hussain Hassan Gulaid ama lacag hayaha mashruuca Abdi Yusuf Hashi.

Hussein Hassan Mottar Gudoomiyaha oo Shahaado sharaf la gudoonsiinayoWaxa guddida lacag ururitu hore u go’aansatay in meheradaha, ururada, dadweynaha iyo xubno ka mid ah guddida laga abaal mariyo, loona xusso sida hagarla’aanta ah ee ay u hureen dhaqaale, wakhti iyo hawl-gal dheeraad ah. Guddidu waxa ay xil u goonia iska saartay in ay kooxahaa guddoonsiso Shahaadado Sharaf ka marag kacaya sida lama illaawaanka ah ee ay hawsha jaamicadda uga qayb qaateen.

Sidaa darteed, ayaa maalintii axadda guddidu xaflad kooban qabanqaabisay. Waxa xaflada lagu soo casuumay ururada haweenka, wakiilada meheradaha, guddida ururka Somali Welfare Organization iyo guddida mashruuca jaamicadda. Waxa xaflada hadalo mahadnaq ah, wax-wada-qabad iyo tamar-midayn u badan ka jeediyey Ismail Ali Ahmed, Hussain Hassan Gulaid iyo Ahmed H.Nur oo ka wakiil ah guddida mashruuca. Ururka “Islamic Somali Women Group” ayaa iyana warbixin iyo talooyin halkaa ka jeediyey, iyaga oo ka warramaya barnaamij kooda, hawlo ay qabteen iyo kuwo ay ku talo jiraan in ay ka qabtaan waddanka hooyo.

Gebagebayntii xafladda ayaa Ahmed H. Nur oo ka wakiil ah guddida, guddoonsiiyey Shahaado Sharaf urarada iyo meheradaha hoos ku magacaaban. Taas oo ay ku mutaysteen kaalmo iyo wax qabad dheerad ah.

 

1. Bulshada soomaaliyeed ee Norway oo uu u qaaday Ururka Somali Welfare Org.
2. Ururka: Somalisk Kvinneklubb/ Roda Mohamed Abdillahi
3. Ururka: Islamic Somali Women Group/ Jamila Mohamed Warsame
4. Meherad: Dhahabshiil Group Oslo/ Ahmed Ismail Awad
5. Meherad: Mattan Hawala Group Oslo/ Ali Hassan Jama
6. Meherad: Duale Textile/ Rage Mohamoud Abdi
7. Meherad: Cleopetra Stores/ Ahmed Said Aw Haybe
8. Meherad: Kaafi Internett Kafe/ Ibrahim Isse Robleh
9. Meherad: Aragsan Stores/ Amal Mohamed
10. Meherad: Atlas Travel & Internett/ Muse Ibrahim Jama
11. Meherad: Soma Travel/ Ahmed Mohamed Jama
12. Meherad: SWO-Canteen/ Muse Gilingil
13. Meherad: Cakaara Shop/ Hurre Asli Dhunkaal

Waxa kale oo Shahaado Sharaf guddidu u garatay xubno ka mid guddida.

1. Hurre Asli Dhunkaal
2. Ismail Ali Ahmed
3. Hussain Hassan Gulaid

Ali Hassan Jama
Ali Hassan Jama - Gudoomiyaha Mattan Hawala Group Shahaado Sharaf La Gudonsiyay
Maxmed Jaamac Asli oo Shahaado sharaf la gudoonsiinayo
Roday Mohamed Oo Iyadana halkaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay
Muuse Ibrahim Jama, Gudoomiyaha Atlas Travel oo shahaado la gudoonsiiyay
Raage Mohamoud oo isna shahaado sharaf gudoonsiiyay
Mohamed Seeraar oo shahaado sharad la siiyay

 

Please donate generously

^ back to top^
 
links

 

© 2004 University Of Burao All Rights Reserved