Shirkan oo ujeedadiisu ahayde in ay ka qayb qatan Tabaruuca
loo samaynayo Jammacada Burco.Shirka waxa ka soo qayb
galay dad isugu jira Caruur,Haween,Odayaal, Dhalliyaro.waxa
iyaganuna kala qaybe galay shirka Dr Saad Ali Shire
(Pro- Chancellor UoB) Ahmed Waqaf, Abdirahman Adan,Fadumo
Adan iyo Asha Abokor oo ka tirsan UoB International
Support Committee.

Ugu horaynewaxa halka ka hadlay Abdirahman Bouh oo
halka ka jeediyay hadalo isugu jira mahadnaq iyo faaiidada
ay ledahay aqoontu oo ku nux .Inta ka dib waxa ayado
Quranka Kariimka ka soo jeediyey Sheekh Abdi Baasid
oo runtii si fahfahsan uga hadilay qiimaha ay leedahay
Sadaqadu ifka iyo akhiroba iyo in loo bahanyahay Horimarinta
aqoonta wanagsan reer Leicester ku baraujiyey in ay
ka qaybe qatan wixii wanagsan ee anifacaya ummada Muslimiinta.
Inta ka dib wax lagu soo dhaweeyey oo hadal gaban oo
qiimo leh ka soo jeediyey Ahmed Jama oo ka mid ah Odayasha
magalada Kuna gobaabiyey reer Leicester in ay ka qaybe
qatan tabaruuca loo fidinayo Jammacada Burco
Inta ka dib waxa isna lagu soo dhawayey Isna Abdi oo
ka hadiay qiimaha ay leedahay Malintani aadna uga hadlay
bahida loo qabo aqoonta, iyo dhibatadi kala danbaysay
ee soo martay Ummada reer Sl ayna marwaliba uga baxayeen
si wada jira waxanu tilmaamay reer Leicester in ay iminka
in muddo ah degenayeey UK lana qabsadeen nolasha UK
loona bahanyahay in ay ka qayb qatan Horimarinta Wadanka
isagoo runtii ku dheraday Burburkii la soo maray iyo
sidii Ilhay inooga saray iyo in ay mari waliba mujiyan
wada wax qabisiga,tilimaamayna in aanay cid u maqinayne
ee layna sugayo.
Mamuulka jamacada waxay uu mahadnaqayan Cabdi Sooran
iyo Siicid Cali Bashiir,Cabdi Burco,Cali Geele..Mustafe
Cabdi Bidix.Cabdirashiid Johari iyo in alla intii ka
qay qatatay qaban qabadii iyo hawshii .
Saad Ali Shire (Pro- Chancellor UoB)
Anigoo ku hadlaya magacayga kan Guddiga waxan idinka
mahad celinaya sida quruxda badan ee aydun noo soo dhawayseen
iyo sida aydun uga soo qaybe gasheen oo aan oran karo
waa shirkii ugu badna ee laysugu yimado intii aanu maraynay
Gobollada UK runtii Cardiff iyaguna si heer sare ah
ay isagu yimadeen 28 May 2004 ayaan tagey Burco oo aan
kala hawl galay gudidii Jaamacada, 19 Jun 2004 si rasmi
ah baa loo furay. 13-kii September 2004 ardeyda dufcadii
ugu horeysay ayaa bilaabay. Waxa la isla gartay in Diyaarin
ardayda lagu sameeyo maadaama ay qaarkood dugsiyada
sare dhamayeen wakhti aad u horeeyey, qaar kalena ay
Sanadkii la soo dhaafay ay ka soo aflaxeen dugsiyada
sare, markaa waxaa muhiim noqotay in la isa soo gaadhsiiyo.
Jaamacad Qaran
Dr. Sa’ad waxa uu sheegay in Jaamacada
Burco aanay gaar u ahayn Burco oo keli ah ee ay tahay
Jaamacad Qaran sida ta Boorama iyo Hargiesa ay u yihiin
Jaamacado Qaran. Tusaale ahaan Kuliyadaha lagu bilaabayo
Burco waxaa ka mida Kuliyada Xanaanada Xoolaha (Vetenary),
oo aanay Hargeisa iyo Boorama midina lahayn, markaa
ardeyga doonaya inuu qaato maadadaa wuxuu uga imanayaa
Hargeysa oo kale. Ardega reer Burco ah ee ka soo baxaana
waxaa laga yaabaa inuu ka shaqeeyo Ceerigaabo ama Boorama.
Markaa Burco waa Jaamacad Qaran, laakiin waxay ku taalaa
Burco.
Baahida loo qabo Jaamacada
Dadka Burco dega waxaa lagu qiyaasaa 200 000 - 300 000
qof. Waxaa ku yaala 31 Dugsiyada Hoose/Dhexe. Ardayda
ka diiwaan gashan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare waa
12127 arday. Waxay magaaladu leedahay lix (6) dugsi
sare. Iskuulkii 15ka May oo Hadda hawlo dayactir ahi
ka socdaan marka la dhmaystirana Burco waxay yeelanaysaa
todoba (7) dugsi sare. Baahida Jaamacada loo qabaa waa
sidaas. Jaamacadu waxay kalooy noqon doontaa meel aqoonyahanku
ku kulmaan oo ay isugu yimaadaan.
Kuliyadaha Jaamacada lagu bilaabayaa waa:
1. Veternary (Xanaanada Xoolaha)
2. Education (Waxbarashada/Macalinimada)
3. Bussiness Studies (Ganacsiga)
4. Islamic Studies (Daraasada Islaamiga)
Waxa kale oo qorshaha ku jira College for Nursing, Department
of Engineering, balse qorshuhu waa talaabo talaabo,
oo mar keliya looma wada samaynayo.
Qaab Dhismeedka
Maktabada Jaamacada waxaa lagu bilaabay 104 buug oo
ay University of Hargeisa ugu deeqday UB. Imikana waxaa
yaala in ka badan 3000 buugaag ah. Waxaa lagu bilaabay
laba Fasal (Class) 2 xafiis (Office), oo laga siiyey
dhismaha Wasaarada Daaqa Qaranka. 3 fasal oo kalena
waxaa siiyey Dugsiga sare SH. Bashiir. Muuqaalo sawiro
ah ayuu soo bandhigay Dr Sa’ad oo
ka duwan muuqaaladii laga daawaday cajalada, sawiradan
oo dhawaan laga soo qaaday Jaamacada waxay ku tusayaan
tadawurka durba ay ku talaabsatay Jaamacadu. Sidoo kale
muuqaaladaa waxa ku jiray sawiro laga soo qaaday University
of Hargeisa oo ay dadkii daawanayey aad uga mafsuudeen,
oo ay ka mid ahaayeen muuqaalka wajahada laga gelayo
Jaamacada Hargeisa. Dr Sa’ad waxa
uu tibaaxay in dhismahaa cusub lagu hirgeliyey deeq
ay bixiyeen Urur Haween ah oo Hargeisa ka jira, kaas
oo ku tusaya kaalinta ay haweenka Somaliland kaga jiraan
dib udhiska dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Agabka loogu deeqay UB
Ilaa hadda waxaa Jaamacada soo gaadhey:
· 104 buug (UoH)
· 4148 buug (Urur UAE ka dhisan)
· Buugaag iyi cajalado London laga direy
· Photocopy machine & Mini Bus ( Cabdi
Daahir, oo USA jooga)
· 2 Computers (Save the Children)
· 1 Computer and printer (Candle Light)
Deeq lacageed
· Dahabshiil ($2,000)
· Dawlada JS ($15,000)
· Xaflad Burco habeen lagu qabtay ($4,000)
· Jaaliyada Canada ($13,000)
· Jaaliyada UAE ($17,000)
· Jaaliyada Norway ($16,248)
· Ahmed Mohamed, USA ($2,000)
· Jaaliyada Virginia, USA ($4,550)
· Jaaliyada Gottenburgh, Sweden ($1,837)
· Save the Children Fund, UK ($6,000)
· Shaqaalaha African Development Bank,
Tunis ($6,200)
Wadarta guud ee deeqaha soo gaadhey UB waa $74,000.
Kharashka lagu qiyaasay in ay dhismaha Jaamacada oo
laga dhisi doono halkuu ahaan jirey dugsigii hore ee
Daaqa Qaranka waxaa lagu qiyaasay $212,000. Lacagta
ilaa hadda soo xarootay waxay noqonaysaa 35%. Lacagta
Jaaliyada Somaliland ee degan United Kingdom lagu soo
qaybiyey waa $100,000 (oo u dhiganta 47% wadarta guud).
Reer London nus baanu isa saarnay $50,000. magaalooyinka
kalena qaarna $5,000, qaarna $10,000. Markaa idinka
Cardiff ahaan $10,000 baa la idin saarey.
Hir-Gelinta Dhismaha Jaamacada
Qorshaha dhismaha (Campus-ka) waxay ahayd in bishan
la bilaabo, laakiinse markay lacagtu soo wada xarooto
baa si deg deg ah loo bilaabi doonaa, si ay ardeyda
bilaabaysa sanadda cusub (September) ay ugu bilaabaan
dhismaha cusub, Insha Allah. Inta ka dib waxa bilaamay
deeq ururintii iyo is diwaan gaalin heer sare ah
www.buraouniversity.com