Shirarkii Jaaliyadaha Dibada ee Jaamacada Burco

Waxaa indhawaydba ka jiray dalka isu taga carabta haawl galo loogu gogol xaadhayo sidii horumarinta Jaamcada Burco gacan looga gaysan lahaa.

Dhaq-dhaqaaqyadaas waxa gadhwadeen ka ahaa Mr. Adan Idigaa isaga oo xidhiidhyo joogta ah la sameeyey Jaamacada Burco iyo Dr. Sacad Ali Shire oo qaabilsan Jaaliyadaha dibada. Arintaasi waxay dhalisay imaatinka Dr. Sacad Ali Shire uu yimi dalkan Imaaraadka.

Kulankii Iaad:
Kulan ay isugu yimaadeen aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland ee ku dhaqan Dalka UAE laguna taageerayo Jaamacada curdinka ah ee Burco ayaa waxa nasiib u yeeshay aqoonyahanka reer Al-Ain in aay qabanqaabiyaan shirkii koobaad ee lagagawada hadlo sidii jaamacada Burco wax loogu qaban lahaa.

Aqoonyankaas oo runtii si hagar la’aan ah u taageeray howsha jaamacada kadib markii Dr. Sacad Ali Shire ujeediyey hadal aqoonyahankaas.

Dr. Sacad Ali Shire waxaa uu wax ka taabtay ujeedada socdaalkiisa isaga oo sheegay in u jeedada uu UAE u soo maray aay sal u ahaayeen laba arimood oo kala ah.

1.Kharash ururin loo sameeyo jaamcada Burco
2.Iyo talo bixin inuu ka qaato dhamaan bulshada reer somaliland ee ku dhaqan UAE, gaar ahaan Raga iyo Dumarka Academic ahaan u faa’iidayn kara Jaamacada

Dr. Sacad waxaa uu kaloo iftiimiyey sida aanay u sinayn qofka wax yaqaana iyo ka aan waxba aqoonin, isagoo ku cel-celinaya “Hadii ay tacliintu qaali kula tahay, bal eeg Jahliga” oo halku dhig u ahaa barnaamijkiisan. Dictorku waxa uu u cadeeyey dhegeystayaashiisa baahida Burco u qabto in ay hesho Jaamacad. Isagoo si kooban u sharaxay himiladii in la sameeyo jaamcada iyo sida ay iminka u noqotay wax jira oo waaqici ah, loona baahan yahay bulshada oo dhan in ay ka wado qayb-qaadato.

Kulankii 2aad
Shirkaa magaalada Al Ain ka dhacay waxaa ku dabo xidhiidhsanaa “Qado Sharaf” laga sameeyey Maagalada Abu Dhabi. Shirkan labaad waxa ka soo qayb galay Mudane Ismaaciil Cali Abokor, Mudane Abdillahi Jamac Galal iyo dhalin waxgarad ah oo rag iyo dumarba leh iyo weliba ergayo ka socda magaalooyinka Al Ain, Dubai iyo Sharjah. Ujeedooyinka Qado Sharafkani waxay gundhig u ahayd labada arimood ee kor ku xusan.

Dr. Sacad Ali Shire isagoo barnaamijkiisu ahaa in uu ka qayb galo shirkan lagu qabtay Abu Dhabi, jaanis uma helin in uu ka qayb galo, iyadoo uu khamiistii (25.11.2004) uu diyaarada ku qornaa. Sida uu barnaamijku ahaa in uu Dr. Sacad Ali Shire ka qayb qaato shirka labaad ee Abu Dhabi umay saamixin duruufo shaqo awgeed. waxa uu howshii ku sii wareejiyey Mr. Muse Idigaa oo ay howsha ka soo wado wadeen UK. Iyadoo markii shirku socday uu Telephone ka soo diray Jabuuti kagana qayb qaatay tele-conference.

Mudane Ismaaciil Ali Abokor oo halkaa hadal kooban ka jeediyey waxaa uu farta ku fiiqay faa’iidada ay leedahay waxbarashadu isla markaasna waxa uu dhamaan waxgaradka Somaliland ku booriyay in aay iska kaashadaan oo ka midoobaan talaabo kasta oo horumar lagu gaadhayo dadka iyo dalkana intifaac u leh.

Waxaa halkaa isna hadal kooban oo ku saabsan jaamcada ka soo jeediyey Mr. Muuse Idigaa oo dalka UK degan, kana waramay sida ay iyagu (Jaaliyada UK) isugu howlayaan in wixii la saaray ay u diyaarinayaan waqtiga loo baahan yahay. Muse waxa uu ku booriyey ka soo qayb galayaashii wax-wada qabsiga iyo iskaashiga. Mr. Muuse waxa kaloo uu tilmaamay goobta laga heli karo wixii faahfaahin ee ku saabsan Jaamacad.
Goobtaasoo ah Website ka jaamcada: WWW.Buraouniversity.com.

Waxaa xusuus mudan in labadan shirba ay ka soo qayba galeen dhamaan dadka u dhashay gobolada Somaliland, Rag iyo Dumarba. Gaar ahaan kuwii ka soo shaqeeyey Jaamacadihii Amoud iyo Hargeysa, kuwaasoo sheegay in laga faa’iidaysto khaladaadkii ay galeen jaamacadahaasi iyagoo bayaamiyay kuna nuuxnuusaday iskaashi ay wado yeeshaan jaamacaduhu midhaha ay dhalin karto iyo faa’iidada iskuxidhka jaamacaduhu yeelan karo.

Hawl wadeenadan jaamacadihii hore u jiray ka soo shaqeeyay waxa ay soo jeediyeen in la sameeyo Urur (Association) madax banana oo ka wado dhaxeeya Jaamcadaha wadanka waxna ka qaban kara dhibaatooyinka jooga iyo kuwa mustaqbalkaba.

Su’aalo iyo Jawabo is-waydaarsi ka dib, waxaa laysla gartay arimaha soo socda:

1. Gudi u xilsaaran Kharash ururin
2. Iyo in la sameeyoTechnical Committee oo jaamacad ka caawinaya xaga Acdemic(fikirkaas waxa lahaa waxgaradka reer Al Cayn ee takhasuskoodu yahay wax barashada).

Feedback Click Here

Labada shirba waxa aay ku dhamaadeen jawi is afgarasho iyo walaaltinimo ku dheehan tahay waxaana muuqatay sida waxgaradkii halkaas isugu yimi ugu heelanaa in aay gacan ka gaystaan dhismaha jaamacada Burco .

waxaanu ilaahay uga baryaynaa in aay u rumoodo wax garadkan niyad samaanta muujiyay himiladood

Aamiin Allahayoo

Salaamu Calaykum,

27.November 2004
Suleiman I. Abdi

 
^ back to top^
 
links

 

© 2004 University Of Burao All Rights Reserved