Habeenkii Jaamacada Burco iyo Magaalada
Toronto.

Waxaa khamiistii la soo dhaafey - 23kii December ka dhacey magaaladan
Toronto xaflad balaadhan oo loogu tagaley taakuleynta dhinaca
dhaqaalaha ee Jaamacada Burco.
Xafladaas oo siweyn loo soo agaasimey, waxaa ka soo qayb galey
dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliyiin ka kala socdey jaaliyadaha
kala duwan ee magaalada Toronto iyo agagaadhkeeda.
Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadley kana waramey mahiimada
ay jaamacada Burco u leedahey deegaanka Gobolka Togdheer iyo
baahida loo qabo in laga qeyb qaato dhismaheeda Dr. Maxamed
Hussein X. Ali oo loo yaqaano (Khaan). Dr. Khaan oo isagu dhawaan
ka soo laabtey dalkii (Somaliland), waxaa kaloo uu sawir guud
ka bixiyey nolosha dalka, horumarka dhaqaalaha iyo tartanka
wax aqooneed ee ka socda somaliland. Sidoo kale, Mudane Khaan
waxaa uu sitafatiran uga waramey mushruuc uu hadda la wado hayadda
UN-HABITATE oo ka socda Magaalada Hargeysa. Mudane Khaan, waxaa
sheegey in mashuurcani yahey mid lagu diiwaan gelinaayo hantidada
dhulka ee magaalada Hargeysa isla markaana lagu kala xadeynaayo
deegaanka magaalada iyadoo la adeegsanaayo aalado casri ah iyo
systemka maabamka caalamka lagu sameeyo ee loo yaqaano (GIS).

Sidoo kale waxaa isna hadal qiira leh ka soo jeediyey kalankaas
indheergaradka Magaalada Toronto
Mudane Ducaale Mohamed Xirsi oo ku guubaabiyey dadweynahii ka
soo qayb galey in ay waxbarashadu tahey wax naf iyo maalba loo
huro jahliguna yahey cadowga ugu horeeya ee bini’aadamka.
Odey
Ducaale Mohamed Xirsi waxaa kaloo uu ka waramey halganka ay
waxbarashadu soo martey iyo dhibaatooyinkii lagala kulmey bilowgii,
waajibkuna yahey in loo hiiliyo aqoonta guud ahaan.
Xafladaas oo aan loo kala hadhin kana soo qayb galeen Fanaaniin
caan ahi sida Xasan Adam Samater iyo Abdi Jibaar Al khaliji,
waxay aheyd mid isugu jirta jawi guubaabo iyo mid madadaalo.
Hadaba, iyadoo aan maqaal kaliya ah lagu soo koobi kareyn aqoon-yahanadii
ka hadley goobtaasi , waxaa xusid mudan in aan taabano qaar
ka mid ah sida Dr Abdi Salaan sheikh Xasan Nuur iyo Foosiya
Yusuf X. Adam oo ah aasaassayaashii labada jaamacadood ee Camuud
iyo Hargeysa University. Sidoo kale waxaa isna hadal taariikhi
ka soo jeediyey kulankaas, Dr. Faarah Ahmed Hirsi oo ah wakiilka
Jaamacada Burco ee Magaalada Toronto iyo Odey Abdi Xuseen Ciise.
Dhinaca kale, waxaa isaguna ka soo qayb galey xafladaas iyada
ah Dr. Abdishakuur Ali Jawhar oo dhawaan ka soo laabtey dalkii
(somaliland) kuna hawlan mashruuc la xidhiidha sidii wax looga
qaban lahaa Cudurada Maskaxda. Dr. Abdishakuur, waxaa uu taabtey
aadna ugu nuux nuuxsadey mahiimada ay leedahey aqoontu iyo baaahida
hadda loo qabo.
Dr. Abdi shakuur, waxaa kaloo uu sheegey in uu aad welwelsan
yahey dhibaatada uu qaadku ku hayo shacabka Somaliland iyo sida
loogu baahan yahey in loogu gurmado badbaadinta jiilk soo koraaya.
Xafladaas oo u jeedadeedu aheyd taakuleynta jaamacada Burco,
waxay ku dhamaatey guul iyo is afgarad ku saleysan wada shaqeynta
jaaliyadaha Somaliland ee dibeda iyo abuurida dalad mideysa
dhamaan jaaamacadaha somaliland si loo xaqiijiyo taabagalka
tacliinta sare ee dalka.
Ali Jama -Toronto
ahmedfayr@hotmail.com
source: Hadhwanaagnews.com