(sl.org) Cabdimajid Sh Bashir
— Cardiff, UK — 18 April, 2005
-------------------------------------------------------------------------
Sida la wada ogsoon yahay beryahanba
waxa socdey hawl gal ballaadhan oo deeq lacageed loogu
ururinaayey jaamacadda cusub ee laga hirgeliyey magaalada
Burco ee gobolka Togdheer, sidaas awgeed haddaanu nahay
guddiga qaban-qaabada jaamadda ee magaaladan Cardiff
oo ka mid ah dalka ingiriiska waxaanu ku guuleeysanney
inaanu uruurino deeq lacageed oo gaadheysa
$15,284us doolar(shan iyo toban kun laba boqol iyo afar
iyo sideetan oodoolar) halka magaalo ahaan lacagta nala
saaray ay ahayd $10,000us doolar (toban kun oo doolar).
Hadaba taasi waxay ku tusaysaa dadaalka ay muujiyeen
jaaliyadda soomaaliyeed ee degan magaaladani annaguna
waxaanu u soo jeedineynaa mahadnaq aad iyo aad u balaadhan.
Waxaa xusid mudan sidii dhakhsaha
lahayd ee lacagtaasi u soo uruurtay muddo sadex todobaad
gudohood ah iyo sidii loogu farxay markii wararka dhismaha
jaamacaddu na soo gaadhey taasoo caddaynaysa xilkasnimada
iyo deeqsinimada jaaliyadda reer Cardiff.
Si gaar ah waxaanu ugu mahad
naqaynaa ururka (Support Somaliland) ee sida hagar la’aanta
ah noogala qayb qaatay hawshan balaadhan,sidoo kale
waxaanu mahadnaq taa la mid ah u celineynaa qaybta haweenka
oo iyana qayb libaax ka qaatay taasoo ah mid aan marnaba
la ilaawi Karin kaalinta weyn ee ay kaga jiraan jaaliyadda
iyo sida ay ugu heellan yihiin inay marwalba ka qayb
qaataan arrimaha danta guud iyadoo la ogaa sidii ay
horeba ugu gurmadeen Cusbitaalka magaalada Hargeysa
markii lagu hawlanaa dayactirkiisa iyo arrimo badan
oo ka horeeyey oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Dhamaan
dadkii wax ku darsaday hawshaa qaaliga ah waxaanu ilaahay
uga baryaynaa inuu wanaag kaga abaal marsho.
Waxaa iyaguna mahadnaq gaara
naga mudan Masaajidka qadiimka ah ee Noor-el-islaam
Mosque iyo dhammaanba meheradaha magaalada oo ah meelaha
lagu kulmo wararkana lagu kala qaato sida:
Xawaaladda Dahabshiil, Dayib
food-store,Shakuur food-store,xawaaladda Dalsan, Red
Sea House, Makhaayadda xuseen togeeye , Makhaayada Cumar
Ciise(Paddel steamer), Xaraf Hotel,Somali Advice Cenrte,
iyo dhamaanba qaybaha kale ee magaalada sida Culimada
magaalada oo nagu dhiiriyey sadaqada
inaanu la baxno waayeelka,dhalinyarada ,shaqaalaha iyo
dhamaanba qaybaha kalagedisan ee bulshada. Ugu dambayntii
waxaanu ku dhiiri gelineynaa gobolada kale ee dalkan
inay si dhakhso ah isu abaabulaan oo naga-ga daydaan
habkaa wanaagsan ee aanu u hirgelinney qaadhaanka qaybtii
nagaga soo aadey.
MAGACYADA GUDDIDA OO TAFO-TIRAN:
1. Ismaaciil mire suldaan
2. C/laahi yuusuf dhimbiil
3. C/majiid C/risaaq Sh.bashiir
4. C/qaadir aadan dheere
5. C/raxmaan Maxamed Axmed (DOODI)
6. C/kariin CAbdi Aadan
7. Saleebaan Maxamed x.xasan
8. Siciid cabdi aadan
9. Siciid aadan x.nuur
source: somaliland.org