Ka: Maxamed Xuseen Adan Khasnijiga
Jaamacada Burco - Burco
Ujeedo: Cadayn Deeq Lacageed
Ugu horayn naga gudooma salaanta
islaamka (SCW), indinka oo mahadsan waxaa nasoo gaadhey
12-18/05/05 lacagha hoos ku sheegan oo naga soo kala
gaadhey dalalka ku kala hor qoran. Lacagahaas oo loo
soo diray dhismaha Jaamcadda Burco. Dhamaantiin intii
lacagtaas ku deeqday iyo inta u adeegteyba waxaanu Allaha
Kariimka ah idiinka baryanaa inuu if iyo Aakhiraba idinka
abaal mariyo.
Waxaana huaala inta Jaamacadu adeegeysana ajerkeedu
waa inoo wada socon doonaa Hadii Alle Yidhaahdo.
Taariikh Cida soo dirtay Tirada Lacagta
12/05/05 Jaaliyadda Washington
DC Metropolitan (USA) $8,200.00
12/05/05 Dadwaynaha Somali Sweden $6,321.00
14/05/05 Leicester (U.K ) $5,620.00
14/05/05 Jaaliyada Qadar Doha $3,650.00
14/05/05 Manchester (U.K) $2,000.00
17/05/05 Maxamed Jama Deria(USA) $3,050.00
Maxamed Xuseen Adan
Khasnajiga Guud Jaamacada